Duqeymo ka dhacay deegaano ka tirsan Jubbooyinka

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmooyin la tirsan Gobolada Jubbooyinka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymaha ay ka kala dhaceyn degmooyinka Jilib iyo Jamaame,isla markaana lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in duqeynta lagu dilay saraakiil uu kamid yahay hoggaamiyihii Degmada Jilib Sheekh Abuu Basma iyo saraakiil kale,isla markaana duqeyntaas ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada DANAB oo kaashana saaxibada Soomaaliya ee ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale duqeyn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose,taas oo lala beegsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab wallow faah faahin rasmi ah aan weli laga helin duqeyntaas.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa ay duqeymo diyaaradeed ka fuliyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.