Alshabaab muddo saacado ah la wareegay gacan ku heeynta degaanno ka tirsan Hirshabeelle

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelada  Dhexe ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Alshabaab ay saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta  Ciid Ciidka Jembilow ee gobolka shabeelada Dhexe la dibna isaga baxay.

Wararka ayaa sheegaya xubnaha Alshabaab ee tagay Ciidka Ciidka Jembilow  oo saacado halkaas ku sugnaa ay gubeem dhuxul  ka dibna halkaas ay isaga bexeen.

Deegaanada ay gaareen Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Cali Fooldheere iyo Ciid-ciidka oo ku yaalla  Dhinaca jiinka webiga shabeelle ee gobolka shabeelada Dhexe , halkaas oo horay looga saaray.

Ujeedka  Alshabaab ay ku doonayaan in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta Ciidka iyo degaanno kale ee hoostaga degmada mahdaay ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa ah sida la sheegay in ay  kala gooyaan waddada dheer  ee  isku xirta gobollada Hiiraan iyo Shabeela Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Xaalada ayaa haatan degan waxaana ku sugan goobihii ay ka bexeen ciidamo ka tirsan Boolis militaaro kuwaas oo sugaya sida la sheegay Amniga degaanno hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada Dhexe.