Khasaare ka dhashay Qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya qaraxa koowaad uu ka dhacay isgoyska Dabka, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliska ee degmada Waaberi waxa uu  ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxayna ku jirtay Bac-madow, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale Qaraxyo kale waxaa la dhigay banaanka hore ee Goobo ganacsi iyo Guryo ay leeyihiin dad shacab ah .

Hay’addaha Amniga ayaa ka war helay xogta  meelaha  la dhigay   Qarxayada , kadibna waxaa la xiray wadada, waxaa laga ag fogeeyey dadkii, waxaana la dalbay miino baar, balse inta aysan imaan miino baarkii ayey qaraxday.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ayaa sidoo kale la sheegay inay wax ka dhaceen, balse ilaa hadda xog lagama helin khasaaraha iyo nooca qaraxyada ka dhacay.

Degmada Boomdheere  kaliya ayaa waxaa ku dhaawacmay Afar Caruur oo xilliga dhaawaca uu soo gaaray ku sugnaa banaanka Gurigooda.

Hase ‘ahaayee Amaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayey maalmihii  dambe  waxaana meel kasta la dhigay ciidamo baaraya dadka iyo gaadiidka balse taas ma aysan hor  istaagin Qaraxyada dhaca Magaalada Muqdisho .