Xukuumadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ka hadashay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobollada dalka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweysayso Xubnaha ka soo goosta Al-Shabaab, kuwaas oo ka faa’iideystay cafiska madaxweymaha.
Dowladda federaalka waxa ay xaqiijisay in todobaadyadii lasoo dhaafay ay gacanteeda soo galeen 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku jiraan horjoogayaal, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.




