Duqa Ankara oo iscasilay

Duqa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa ka dib markii uu cadaadis kaga yimid madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo raadinaya in uu  isbedelka muuqda uu ku sameeyo xisbigiisa xukunka haya ee (AK) ka hor doorashooyinka 2019.

Melih Gokcek, oo ahaa duqa magaalada Ankara tan iyo 1994-tii, wuxuu taageere u ahaa Erdogan waxaana uu difaacay howlgalka ballaaran ee xukuumadda ay sameysay ka dib  isku daygii  afgambigii fashilmay  ee sanadkii hore.

Gokcek wuxuu ahaa mid ka mid ah saddexda duq ee ka soo horjeeda baaqyada is-casilaadda ee uu sameeyay Madaxweyne  Erdogan.

Madaxwaynaha ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Ankara 19-kii Oktoobar in saddexda duq ee xisbiga talada haya ay is casilaan.