Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Bariga Dhexe, gaar ahaan weerarkii Iiran ay ku qaaday Israa’iil.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa laģu sheegay inay si adag ugu baaqayso dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan.

“Xasiloonida iyo xiisadahan kor u kacaya waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka, nabadda iyo amniga caalamka oo dhan ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay dowladda.