Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday garoonka Diyaaradaha ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisu ay ka xuntahay weerarka lagu qaaday dalka turkiga.
“Xaqiiqdii in argagixisadu ay beegsadaan dadka aan waxba galabsan hab naxariis darra ah waa wax laga xumaado,midaas niyad dowladda Turkiga wax uma dhimi doonto ” ayuu yiri Madaxweynaha .
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladdaha caalamka ka dalbatay in ay u midoobaan la dagaalanka waxa ay reer galbeedku ugu yeeraan Argagixisada.
” Dowladda Soomaaliya si adag ayey uga shaqeyn doontaa la dagaalanka Argagixisada meel walbana waan kala dagaalami doonaa Argagixisada, waa khatar caalamiya shacabka labadalna si weyn ayey u saameeysay arintaas ,tani waa mid u baahan in laga bixiyo Jawaab Caalamiya oo mideysan” ayuu madaxweyne Xasan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga tacsiyeeyay hoggaanka Dowladda Turkish iyo qoysaskii dadkii dhibku ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday dalka Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladda Turkiga la qeysanayso baroor diiqda dadkii ay dhibaato ka soo gaartay weerarkii garoonka istanbul.


