Dowladda Somaliya oo heshiis Dayn cafin ah la gashay Hay’adda IMF

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomalaiya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farketi ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la tacaalida dhamaan dhibaatooyinka dalka ka jira ayna xaqiiijinayso dadaalka loogu jiro hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee dalka, xoojinta adeegyada maaliyadeed iyo dib-u-noolaynta nidaam maaliyadeed oo isla xisaabtan ku dhisan.

“Si dadaalka dowladda ay wado loo dhiiro geliyo, dowladdu waxay heshiis dayn cafin ah la gashay hay’adda Sanduuqa Caalamiga ah (IMF) kaas oo ka bilaami doona May 2016. Heshiiskaan oo fulintiisa looga baahan yahay dowladda Soomaaliya wuxuu horseed u noqon karaa in daynta Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.4 Billion oo Dollar, qaarkeed laga cafiyo” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Heshiisku waxuu dhanka kale diiradda saarayaa xoojinta siyaasadaha kor u qaadidda habsami u socodka maamulka maaliyadda, xoojita hay’adaha dowladda, kaabidda horumarka hay’adaha dhaqaalaha ee dalka, wax ka qabashada lacagta Shilling Soomaaliga oo duugoowday, xoojinta awoodda Bankiga Dhexe oo uu ku yeelan karo ilaalinta Xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee dalka.

Hadaba fulinta heshiiskaan ayaa Soomaaliya u saamaxaya in ay hesho taageero dhaqaale iyo maalgalin heer caalami ah. Wuxuuna u horseedayaa in ay heshiisyo laba-geesood ah oo Soomaaliya la gasho wadamada deeq bixiyayaasha dunida. Shirka ayaa sidoo kale diirada lagu saarayey sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay wuxuuna gogol xaar u ahaa shir 12-ka April ka dhacaya magaaladda Washington ee cariga Maraykanka kaas oo dhex mari doono Hay’ada Caalamiga ee Sanduuqa Aduunka iyo Dowaladda Soomaaliya.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka mahad celinayso heshiiskaan oo ku qotoma bilawgii dayn cafinta Soomaaliya ee ay la gashay IMF taas oo ku dhiiro gelinaysa wadamada deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee aduunka in ay garab istaageen Soomaaliya si loo xaqiijiyo yididiilada dalka uu ugu jiro hanashada hawlaha qaran.