Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanata waxa uu magaalada Garowe uu tababar ugu soo xiray ciidamo gaaraya ku dhowaad 160 askari.
Waxaana uu la dardaarmay ciidamada isagoo ku guubaabiyay in ay askarta labis fiican ay xirtaan, iyadoo uu sheegay in ciidamada laga doonayo in ay la haadaan aqlaaq wanaagsan.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maanta ciidamadan tababarka loo soo xiray ay yihiin sharaftii Puntland iyo kuwii shacabka difaaci lahaa.
Maamulka Puntland ayaa dhowaanahan waxa ay wadeen dadaalo lagu sugayo amniga guud ahaan goobaha uu ka taliyo maamulka Puntland.


