Dowladda Somalia oo Agab Caafimaad gaarsiisay mid kamid ah Maamul Goboleedyada

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha , Gudigga Qaranka ee ka hortagga Covid19 iyo dhaqaatiir ayaa gaaray Magaalada jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdigaasi waxa ay magaalada Jowhar gaarsiyeen shixnad dawooyin ah iyo qalab kale oo ay sidday Diyaarad,isla markaana loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka Cronavirus.

Deeqdaas oo ka timid Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa loogu talagalay in lagu taageero dadaalada lagu yareynaayo caabuqa halista ah ee Covid 19.

Wafdigaasi oo ay magaalada Jowhar ku soo dhoweeyeen maamulka Hirshabeele,waxa ay mudada ay joogaan halkaasi ay u kuurgalayaan xarumaha loo qorsheeyay Karantiilka sida ay u socdaan dadaalada lagula diriraayo faafitaanka cudurka.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale Xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Caafimaadka ay Dawooyin iyo Agab kale ay geliyeen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,iyada oo la filayo inay geeyaan Xarumaha kale ee Maamul Goboleedyada.