Dowladda Shiinaha oo taageero siineysa Waxbarashada Somalia

Wasiiru dowlaha Wasaarada waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee xukuummadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabduulle Jaabir ayaa Maanta Kulan la qadatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa intii uu sacday waxa ay labada masuul kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista taageerada waxbarasho ay dalkeena ay siiyaan dowladda Shiinaha.

” Waxaan maanta kulan la qaatay Safiirka dalka shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxaana kawada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista taageerada waxbarasho ay dalkeena ay siiyaan.

Waxaan ugu mahad celiyay safiirka shiinaha iyo dowladda shiina deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan dalkeena Soomaaliya.