Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo dhowaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte uu Guddi wasiiro ah u xilsaaray in ay soo cadeeyaan raashiinka WFP ee lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,ayaa Guddiga waxa ay sheegeen in raashiinka uusan dhicin balse raashiinka uu ahaa mid qoyay.
Raashiinkan oo laga raray bakhaar ku dhow Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa la doonaayay in diyaarad lagu geeyo Magaalooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee Gobolka Gedo.
Layli Cali, Madaxa Xafiiska (WFP) ee Soomaaliya ee dhinaca xiriirka, ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in aan WFP raashiin dhacay u oolin gudaha Magaalada Muqdisho.
Dalka oo ay soo galaan Maciishado kala duwan oo ku yimaada qaabab Ganacsi iyo Samafal ayaanu jirin Kontaroolo lagu baarayo tayada adeegyadaasi gaar ahaan ay sameeyaan Wasaaradaha u xil saaran sida Caafimaadka , Ganacsiga iyo kuwa la halmaala.


