Dowladda oo sirasmi ah u shaacisay inay heshiis la gashay Cabdirashiid Janan

SAWIRKA CABDIRASHIID JANAN

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gashay wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( janan) , kaas oo Ciidamo farabadan ku heystay meel u dhow Magaalada Mandheera.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay sirasmi ah heshiis ula gashay janan.

Waxaa uu sheegay in Janan uu muhiim u yahay nabadda Gobolka Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hiiliyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo kalena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( janan) oo wata Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleedka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula kulmay wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.