Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa gordhow lagu soo dhaweeyay wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan).
Cabdirashiid janan ayaa Wasiiro ka tirsan Xukuukadda xilgaarsiinta waxaa ay kasoo gelbiyeen degaanka Najax ee Duleedka degmada Beled-Xaawo, waxaana la socda Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo farabadan.
Maamulka degmada Beled-Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada ayaa soo dhaweeyay, iyada oo la geeyay Xarunta Maamulka degmada Beled-Xaawo.
Kulamo kala duwan ayaa la filayaa in wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland uu Magalada Beled-Xaawo kula qaato wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.



