Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaraa ee Danab iyo saaxibada mareykanka ayaa la sheegay inay duqeyn cirka ah ka fuliyeen tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeyso magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.
Duqeyntaas ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowaldda waxaa ay sheegeen in lagu dilay Cabduqaadir Cusmaan Yaroow oo magaciisu afgarashadu aheyd Cabduqaadir Kumaandoos.
Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidanka DANAB iyo kuwo Mareykan ah waxaa ay duqeyn ka fuliyeen degaano kamid ah Gobolada dalka,waxaana Dowladda iyo Mareykanka ay sheegayaan in lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab



