Madaxweynaha Tanzania oo Mar labaad u tartamaya xilka Madaxweynaha

Guddiga doorashooyinka dalkaas ayaa madaxweynaha Tanzania John Magufuli u oggolaaday inuu mar labaad u tartamo doorashada madaxtinnimo ee lagu wado inay dhacdo bisha October.

Madaxweynaha ayaa waraaqihiisa magacaabista u gudbiyay guddiga.

Waxaa la filayaa inuu la loollamo ninka ay soo magacaabeen xisbiga mucaaradka Chadema, Tundu Lissu oo dalkaasi ku laabtay bishii la soo dhaafay isagoo ka yimid Yurub, kaddib marklii uu sanadkii 2017 ka badbaaday isku day dil.

Guddiga doorashooyinka ayaa maanta la filayaa inay soo bandhigaan liiska ugu dambeeya ee musharraxiinta madaxtinnimada.

Ololaha rasmiga ah ayaa bilaabanaya maalinta berri ah.