Dowladda oo shaacisay xilliga la qaadayo Imtixaanaadka Dugsiyada Sare

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga la qaadaayo Imtixaanaadka mideysan ee Shahaadiga Dugsiyada Sare, xilli muddooyinkii dambe uu muran ka taagnaa arintaasi.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xaamud Cali Xasan, ayaa Saxaafadda u sheegay in maalinta Sabtida oo Taariiqda ku beegan tahay 28-ka Bishan in loo fariisanaayo qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga.

Wuxuu sheegay in la xaliyay muran u dhaxeeyay Daladaha Waxbarashada dalka iyo Wasaarada Waxbarashada, islamarkaana la isku afgartay in Imtixaanaadkaasi mideysan la qaado.

Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in Arday badan oo gaaraysa 20,000 (Labaatan kun) oo Arday ay ka qayb galayaan Imtixaanaadka Wasaarada Waxbarashada Somaliya ay qaadayso.

46 goobood ayuu sheegay in Imtixaanka lagu galaayo, sidaasina loo kala qaybiyay oo Iskuulada ay ku galayaan Ardayda Imtixaanaadka.

Waa Sanadkii labaad oo Wasaarada Waxbarashada Somaliya ay qaadayso Imtixaanaadka Shahaadiga ah, xilli dalka horay aysan uga jiri jirin in Wasaarada Waxbarashada ay qaado Imtixaanaadka.