Xaruntaan ayaa sidoo kale loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan dhalinyararada gobolka Banaadir isla markaana ay ku qabsadaan shirarka ay isugu imaanayaan.
Gudoomiye ku Xigeenka dhinaca Siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa dowladda Sweden kaga mahad celiyay dadaalkeeda ku aadan dhismaha xaruntan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Sweden ay ka mid tahay dowladaha iyo Hay’adaha sida joogtada ah u taageera maamulka gobolka Banaadir.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku Xigeenka dhinaca Siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye, Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa waxay koormeereen Xarunta loo dhisayo dhalinyarada gobolka Banaadir.


