Dowladda oo ka hadashay Abuu Mansuur

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay Siyaasadda Dowladda in ay aas aas u tahay shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in la soo dhaweynayo.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa lagu sheegay Dowladda Federaalka in ay soo dhaweyneyso Mukhtar Roobow Cali oo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay ururka  Al-Shabaab.

Sidoo kale warkan qoraalka waxaa lagu sheegay iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay dowladdu ballanqaadeyso inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay cid walba oo ka qeyb qaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si cad wuxuu u sheegay inuu ka baxay Ururka Al-Shabaab, muddo laga joogo Shan Sano iyo Todobo bilood.