Ninkii Hogaaminayay Afgambigii Turkiga oo Mashaariicdiisa Soomaaliya laga joojiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa Joojisay dhammaan Mashaariicdii uu Soomaaliya ka waday Ninkii Hogaaminayay Afgambiga Fashilmay ee dalka Turkiga Colonel Muharrem Kose.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ninkaasi uu mashaariic dhowr ah uu ka waday Soomaaliya sidaas darteedna dowladda Soomaaliya ay joojisay mashaariicdaasi.

Mashaariicda uu Soomaaliya ka waday ayaa waxa ka mid ahaa mid waxbasharasho sida iskuulka lagu magacaabo Nile Academy.

Ninkaan ayaa lahaa Nile Academy oo ah xarun wax barasho oo ku taala Muqdisho.