Dowladda oo Faahfaahisay Weerar Culus oo ka dhacay Baay

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar yariisoow oo  lahadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la  beegsadeen  xero tababar oo ku taalla deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Baay.

Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay  ku dhawaad  boqol dagaalyahano  oo isugu jiray Askar iyo hoggaamiyeyaal.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor ayaa looga dilay 90 – 100” ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Baay barkhanimadii shalay in lagu dilay 100 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab.

Afhayeen u hadlay Shabaab ayaa wuxuu sheegay inaanay jirin Duqeynta Mareykanka ay sheegeen in nay ka fuliyeen Gobolka Baay wax khasaare ah oo lagu gaarsiiyay Dagaalyahanada Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay Afhayeenka u hadlay Shabaab warka ka soo baxay Mareykanka inuu yahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.