Qarax baabuur oo lagu dilay 25 qof

In ka badan 25 qof ayaa lagu dilay 70 kalena waa ay  ku  dhaawacmeen baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ka dhacay dalka Ciraaq.

Qaraxu waxaa uu ka dhacay Suuqa khudrada oo ku yaal bartamaha Tuz Khurmatu oo 160 Km woqooyiga kaga beegan Magaalada Baqdaad.

Iluhu waxa ay sheegeen in tirada dadka dhintay ayaa u ekayd in ay kor u kacdo sababta oo ah dad badan oo la dhaawacay oo xaalad adag ku jira.

Raysal wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa sheegay Salaasadii gelinkii dambe in uu qarka u saarnaa ku dhawaaqida kama dambaysta ah ee guusha milatarigu ka gaaray kooxda jihaadiyiinta ah ee Suniga ah, ka dib markii ciidamada dawlada taabacsani dib u qabsadeen magaaladii u dambaysay ee ku hoos jirtay Daacish.

Laakiin wuxu ka digay khilaaf siyaasadeed oo ogolaan doona in IS sii wado qaadida weerarada.