Dowladda oo diyaarisay Qorshihii lagu qabsan lahaa degmada Saakow

Saraakiisha ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo, ayaa shaaca ka qaaday in la diyaariyay qorshihii lagu weerari lahaa Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya qeybta ku sugan Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Baardheere ayaa la qorsheeyay Saakow inay kaga dhaqaaqaan dhanka Degmadaasi Baardheere si culeys Millateri ay u saaraan Shabaabka ku sugan Degmadaasi.

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Guutada Sagaalaad ee Gobolka Gedo Gaashaanle Maxamed Cadow Cali, ayaa Warbaahinta ugu sheegay Magaalada Baardheere in la soo gaba gabeeyay qorshihii ugu dambeeyay ee qaadista weerar ka dhan ah Shabaab.

Wuxuu sheegay in la diyaariyay saanadii iyo ciidankii weerari lahaa Degmada Saakow, si gacanta Ururka Al Shabaab looga saaro, maadaama Shabaab muddo ay ka talinayeen Degmadaasi.

“Saakow runtii meel fiican ayey mareysaa caqabad badan oo hada ka jirta malahan isha ayaan ku haynaa dhinaca Sirdoonka aadbaan ula socona, Insha Allah mar dhaw ciidamada waa ay dhaqaaqi doonaan Saxaafadda qayb ayeey ka noqon doontaan.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Guutada Sagaalaad ee Gobolka Gedo Gaashaanle Maxamed Cadow Cali, ayaa shacabka ku nool Gobolka Gedo ugu baaqay inay ka qayb qaataan la dagaalanka Ururka Al Shabaab iyo sidii guud ahaan Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka looga saari lahaa.

Degmada Saakow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka xidida ay ku leeyihiin dagaalyahanada Al Shabaab, marka loo eego dhanka Maamulka iyo awooda ciidanka.