Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble Siyaad ayaa lagu eedeeyay in uu si wadatashi la’aan ah uu kusoo magacaabayo golaha Wasiirada maamul goboleedka Hirshabeelle.
Xildhibaan Muqtaar Xasan Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle in uusan xildhibaanada kala tashan soo magacaabista golaha Wasiirada Hirshabeelle.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in xildhibaanada Hirshabeelle ay haboon tahay in lagala tashado cidda laga dhigaayo Wasiirada.
Muqtaar Xasan Maxamed ayaa sidoo kale xusay in uu doonaayo Madaxweyne cosoble in uu soo magacaabo wasiiro uusan kala tashan bulshada kunool degaanada maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ku dhawaaqo golaha Wasiirada ee uu yeelanayo maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaanada ayaa dhowr jeer u kordhiyay Waqtiga Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Madaxweyne Cosoble ayaa la doortay October 17, 2016 dii , waxaana wali uusan soo magacaabin golahiisa Wasiirada.
Madaxweynaha ayaa dhowr jeer ka horyimid xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle , islamarkaana ka codsaday in ay siiyaan Waqti dheeraad ah.
Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamul goboleedka Kaliya ee aan la heyn Wasiiro maamulada dalka jira.


