Sida lagu daabacay wakaalada Wararka ee dalka Bahrain dowladda Bahrain ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto la dagaalanka waxa ay reer galbeedku ugu yeeraan argagixisada.
Wasaarada arimaha dibada dalka Bahrain ayaa sheegtay in dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay yareenkarto weerada ay geystaan xarakada Shabaab.
Dowladda Bahrain ayaa sheegay in taageerada ay siinayso dowladda Soomaaliya sii laba jibaarayso si loo sugo amniga dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii dowladda Bahrain ayaa sheegay in weerarada Xarakada Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya aysan ka dhignayn in ay amni daro ka jirto Soomaaliya laakiin ay daliil u tahay falalka argagixisada.


