Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxa ay magaalada Khartoum ku kala saxiixdeen heshiis ku aadan dhanka Caafimaadka.
Heshiskan ay labada dowladood gaareen waxaa dhanka Soomaaliya matalayay wasiiradda Caafimaadka ee Dowladda soomaaliya Drs Xaawo Xasan.
Waxa ay labada dal isla garteen in waajib ay tahay in la adkeeyo xiriirka u dhaxeeeya labada Wasaaradood gaar ahaan dhanka adeegyada caafimaadka waxyaabaha quseeeya iyadoo wasiiradda u mahadnaqday dhigeeda dalka suudan ee heshiiskan la saxiixday.
Drs Xaawa Xasan ayaa sheegtay in dowladda soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda caafimaadka heshiiskan ugu fadhiyo muhiimad gooni ah Dhawaana sheegtay ka wasaarad ahaan in ay soo dirayaan gudiyadii fulin lahaa waxyaabihii lagu heshiiyay
Waa markii ugu horeysay wasiiradda caafimaadka Xaawo Xasan ay gaartay dalka Sudaan tan iyo markii ay la waragtay xilka wasaaradda caafimaadka Dowladda Soomaaliya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa xiriirkooda waxa uu yahay mid aad uwanaagsan.


