Dowlada UK oo taageereyso Howlgalka AMISOM & Ciidamada Kenya

Dowlada Ingiriiska ayaa shaacisay iney taageereyso ciidamada difaaca ee dalka Kenya si ay kaga hor tagaan weerarada Alshabaab ka geystaan deegaanada ku yaala xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ciidamada ee dowlada UK Peny Morduat  ayaa intii ay ku sugneyd  dalka Kenya waxay la kulantay xoghayaha guud ee difaaca Kenya Reycelle Omamo, waxayna ka wada hadleen arimaha ciidamada iyo sidii tababaro dowlada UK u siin laheyd ciidamada dowlada Kenya.

Haweeneyda ayaa sidoo kale dalka Kenya kula kulantay saraakiil ka tirsan saldhig ciidamada UK ku leeyihiin Kenya oo ay ku tababaraan ciidamada dowlada Kenya, waxayna kala hadashay arimaha ciidamada.

Iyada oo warbaahinta la hadlaysay ayay shaaciyay iney ku faraxsan tahay safarka ay ku tagtay dalka Kenya, kaasi oo ay sheegtay iney ujeedadiisa tahay dhismaha ciidamada Kenya iyo ciidamada gobolka si looga hortago weerarada kooxaha hubeysan ka geystaan Kenya.

Wasiirka ciidamada Dowlada UK ayaa balanqaaday iney kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya oo ciidamada Kenya ay kamid yihiin, sida loo wiiqo awooda Alshabaab.

Ugu dambeyn dowladaha Kenya iyo UK ayaa kala saxiixday hishiis dhigaya tababaro dheeraad ah oo dowlada Ingiriiska ay siiso ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo ciidamada gudaha Kenya jooga si amaanka ay u xaqiijiyaan.