Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmeeke ayaa guul ku tilmaamay shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Waxa uu sheegay in shirkaasi ay ka soo baxeen qodobo dan u ah Shacabka soomaaliyeed, iyo sidoo kale waxyaabo rajada soomaaliya dib usoo celinayo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in arrimihii la isku soo hadal qaaday dhamaantood la isku afgartay guulna laga gaaray.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in soomaaliya iyo beesha caalamka ay si wadajir ah ugu shaqeynayaan in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo soomaaliya marka la gaaro sanadka 2016.
Waxa uu tilmaamay in shirarka kale ee la qabanayo ay ka soo qeyb geli doonaan Madaxda Maamulka Puntland oo uu sheegay in hada aysan ka soo qeyb gaalin shirka.