Dowlada Japan ayaa ku dhawaaqday dhaqaalo gargaar loogu sameynayo dad badan oo abaaro ay saameeyeen oo ku nool dalalka Soomaaliya , Ethiopia iy Sudan.
Dhaqaalahaasi ayaa gaaraya 21.7 Milyan oo doolar si gargaar aadanimo loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen iyo dadka ku nool gobolka Gambella ee dalka Ethiopia.
Dowlada Japan waxay kaloo sheegtay in dhaqaalaha oo guud ahaan gaaraya 30 milyan loogu deeqayo Ethiopia si ay wax ugu qabato qaxootiga badan ee ku sugan dalkaasi iyo dadka abaaraha ay ku hayaan Ethiopia.
Safiirka Japan ee Ethiopia Kazuhiro Suzuki ayaa sheegay in dhaqaalaha loogu deeqayo dadka abaaraha ay hayaan ay gaareyso 30.1 milyan oo doolar, waxaana 21.7 milyan oo kamid ah la doonayaa in wax loogu qabto dadka arimo bini’aadanimo ay heysato iyo horumarinta qaxootiga.
8.4 milyan oo lacagtaasi kamid ah ayaa waxaa loogu talo galay in gargaar lagu gaarsiiyo dadka ay saameysay dabeyshii El-nino oo ku dhufatay deegaano ku yaala Soomaaliya iyo Ethiopia.
Japan ayaa sidoo kale dhaqaalo ugu deeqday dalalka Soomaaliya, koofurta Sudan iyo Sudan waxaana la doonayaa iney ka faa’ideystaan dadka abaaraha daran ay saameeyeen.


