DHAGEYSO: Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay iney go’aaminayaan maqaamka Muqdisho

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa si kulul ugu hadlay wararka sheegaya in magaalada Muqdisho maamulkeeda lagu wareejinayo beel gaar ah.

Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in maqaamka Caasimada Soomaaliya uu yeelanayo uu go’aaminayo Baarlamaanka isla markaana aysan shaqsiyaad kulmay aysan go’aan ka gaari Karin.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kulanka ka dib la hadashay warbaahinta waxayna aqrisay go’aanka ka soo baxay kulankooda ee ku aadan caasimada Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaanada kulanka ku yeeshay Magaalada Nairobi ayaa madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha ugu baaqay iney ka fogaadaan iney sii kala qeybiyaan odayaasha dhaqanka gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta u sheegtay in Dowlada loogu baahan yahay in dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe loo madax banaaneeyo odayaasha dhaqanka labada gobol isla markaana laga fogaado in la iska horkeeno.