Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa ku heshiiyay in ay sameystaan Ciidan isku dhaf ah oo leh hal taliye,kuwaasoo oo si wadajir ah uga howlgali doona degaanada mamul goboleedyadda.
Ciidankaan ayaa waxaa laga soo xuli doonaa Ciidanka darawiishta maamul goboleedyadda, waxaana maamulada ay u muuqdaan in ay soo bandhigayaan awoodooda Ciidan ee ka dhanka ah dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Ciidan ayaa waxaa lagu howlgali doona Muddo 2 bilood ah sidda lagu sheegay war kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.
Maamul goboleedkaste waxaa uu soo xuli doonaa kun Askari,kadibna tababar wadajir ah ayaa loo furi doonaa.
Madaxweynaha Galmudug ayaa horay ugu baaqay in maamul goboleedyadda ay sameystaan Ciidan gaar ah,maadaama Ciidankii Qaranka ay isku koobeen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.


