Maanta ayaa waxaa la filayaa in Mavaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ay ka dhacdo doorashada qaar kamid ah Xubnaha Aqalka Sare, iyada oo ay dooran doonaan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.
Xalay Magaalada Jowhar waxaa lagu doortay hal kursi, kaas oo uu kusoo baxay Sanoter Cismaan Maxamed Dufle.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar lagu doorto laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare, waxaana ku tartamaya musharixiinta kala ah.
1. Cali Shacbaan Ibraahim
2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir
3. Cabdullahi Axmed Tawaad
4. Caasho Xuseen Abuukar
5. Cabdalle Cabdi Xuseen
1. Xasan lidow Muxumed Kobac
2. Cusmaan Axmed Macow
3. Cabdinuur Ibraahim Nuur.
Amaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in dhawaan la dhameystiro kursi ee Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Hir-Shabeelle.



