Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday Baydhabo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur galbeed ayaà maanta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta la doortay ayaa Guddiga waxaa ay shaaciyeen 4-tii Bishaan, waxaana Maanta doorashadii dhacday kusoo baxay Xubno Cusub, iyada oo meesha laga saaray Xildhibaannadii horay kuraasta ugu fadhiyay.

Kursiga Koowaad ee Hop#099 ee Golaha Shacabka ayaa waxaa maanta ku guuleystay Wasiirka Qorsneynta Maamulka Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow oo uu dhalay Xildhibaan hore Madoobe Nuunoow Maxamed, wuxuuna helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdinasir Ibraahim Aadan 25-cod.

Kursiga labaad ee Hop#168 oo uu ku fadhiyay Xasan Macalin Xuseen ayaa waxaa ku guuleysatay Luul Ibraahim Cumar oo heshay 86-cod halka musharaxii la tartamaysay Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15-cod, waxaana kursigaan markii hore sidoo kale loo diiwaangeliyay laba musharrax oo rah ah balse tartanka ay isaga hareen.

Kusriga Sddexaad ee Hop#167 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdisalaan Cali Cabdi, isaga oo heley codad gaaraya 74-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdi Maxamuud Maxamed uu heley 23-cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni).

Kursiga Afaraad ee Hop#077 oo uu ku fadhiyay Isgoowe deeroow Isaaq balse meesha laga saaray ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Maxamed Sheekh Cabdulaahi Ciirow oo ah Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13-cod, waxaana halaabay hal Cod.

Kursiga Shanaad ee Hop#186 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Maxamed Xuseen Isaaq ( Afaraale) oo meesha laga saaray, waxaana ku guuleystay Cabduqaadir Cumar Macalin, isagoo heley codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabduqaadir Aadan Cali  uu heley 25-cod, waxaana halaabay Hal cod.

Kursiga lixaad ee Hop#261 oo uu horay ugu fadhiyay Cabduqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu dhalay Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ku guuleystay Wasiirka Diinta & Awqaafta ee Maamulka Koonfur Galbeed Saalax Shariif Siid Cali, isaga oo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayay ee Ismaciil Shariif Cali uu heley 10-cod, waxaana halaabay  hal Cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan soo geba-gabeeynaya doorashada Kuraasta golaha Shacabka, waxaana haatan kaliya u harsan doorashada 7 Kursi oo uu kujiro kursiga Madaxweynaha Koonfur galbeed, kuwaas oo doorashadooda lagu dooranayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.