Doorashada kuraas kamid ah golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Gudiga hirgelinta heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Beledweyne ku qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo guddiga horay u shaaciyeen.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in doorashada la qabto, balse dib loo dhigay sababo la xiriira is qabqabsi u dhaxeeyay Guddomiyaha Gobolka Hiiraan & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle balse la xaliyay.

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa shalay diiwaangeliyay musharrixiinta lixka kursi, waxaana kuraasta Maanta doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin.

1: Hop#003 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

W: Hop#006 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamuud Cabdullaahi Axmed.

3: Hop#022 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo).

4:Hop#031 oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Xilgaarsiinta Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid )

5: Hop#032 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar.

6:Hop#068 oo ay ku fadhiso Faadumo Faarax Ibraahim.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dardar gelinta degaan doorashada labaad, waxaana 25 kursi ee taalla Magaalada Beledweyne laga doortay lix kursi oo kaliya Maantana laga dooran doono lix kale.