Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo xalay si rasmi ah loo soo gebagebeeyay diiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilalka Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa.
Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada ayaa soo bandhigay liiska musharaxiinta buuxiyay shuruudaha ku cad dastuurka maamulka, kuwaas oo kala ah:
Musharixiinta Guddoomiyaha
1. Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan (#83)
2. Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed (#76)
Musharixiinta Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad
3. Axmed Maxamed Axmed (#17)
4. Amran Axmed Xasan (#11)
Musharixiinta Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad
5. Cabdiriisaaq Jaamac Warsame (#49)
Doorashada ayaa loo arkaa mid xiiso badan, maadaama ay kusoo aaday xilli sidoo kale lagu jiro loolanka madaxtinimada maamulka Waqooyi Bari oo dhawaan ka dhacaya Laascaanood.
Musharaxiinta guddoonka baarlamaanka ayaa lagu tilmaamay inay saamayn weyn ku yeelan doonaan jihada doorashada madaxtooyada.
Waxaa la filayaa in maanta ay xildhibaanadu u codeeyaan musharaxiinta, iyadoo loolanka ugu adag lagu sheegay kuraasta Guddoomiyaha, halkaas oo laba musharax oo kasoo kala jeeda gobolka Sool ay ku hardamayaan.




