Ciidanka Xoogga oo weerar ku qaaday xubno Al-shabaab ah oo ku sugnaa Gedo.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka weerar qorshaysan ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Birta Dheer ee degmada Garbahaarey, Gobolka Gedo.

Weerarka ayaa yimid kadib markii la helay xog ku saabsan in maleeshiyaadka Al-shabaab ay isku aruursanayeen agagaarka deegaankaasi. Ciidanka ayaa qaaday dagaal culus oo lagu burburiyay gabaadkii ay halkaasi ku lahaayeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay weli wadaan howlgal lagu baacsanayo kooxaha firxadka ah ee ka baxsaday goobta dagaalka, iyadoo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay gulufka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Gedo, kaas oo lagu doonayo in gabi ahaanba looga saaro kooxdan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalka uu sii socon doono inta laga xaqiijinayo in deegaanka iyo nawaaxigiisa laga nadiifiyo maleeshiyaadka Al-shabaab.