Doorashada Aqalka Hoose oo ka socota Kismaayo iyo Baydhabo

Doorashada Aqalka Hoose ayaa saaka Markale dib uga bilaabatay Magaalooyinka Kismayo iyo Baydhabo ee xarumo u ah maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in si weyn loo adkeeyay ammaanka goobaha ay ka socdaan doorashada Aqalka Hoose , waxaana ammaanka adkeeyay ciidamada maamulada Koonfur Galbeed , Jubbaland iyo sidoo kale ciidanka AMISOM oo taageeraaya.

Doorashada maamulka Jubbaland ayaa hakad la geliyay ka dib markii la sheegay in uu dhacay Musuq maasuq maalmihii lasoo dhaafay.

Doorashada ay saaka si habsami leh uga socota Baydhabo iyo Kismaayo , waxaana kursigii ugu horeeyay ee Jubbaland saaka kusoo baxay Cali Cusmaan Xersi oo jubbaland u matali doono Aqalka Hoose.