Ciidanka Mareykanka ee howlgalada ka fuliya Soomaaliya oo dhibaato lasoo deristay

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka welwelsan tahay khasaaraha ciidankeeda kasoo gaaraya howgallada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay kordheen khasaaraha soo gaaray ciidankooda joogga Soomaaliya.

Ciidanka dowladda Mareykanka ee howgalka dhanka cirka ka fuliya Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay gareen khasaare aysan dowladda Mareykanka aysan filanaynin , waxaana sarkaalka ugu sareeya ciidanka dowladda Mareykanka ee Afrika uu sheegay in ay dib u eegi doonaan howgaladooda.

Taliyaha  Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika  ee loo yaqaano AFRICOM Jeneral Thomas Waldhauser  ayaa sheegay  in ciidanka dowladda Mareykanka ay noqdeen kuwo ay soo gaarto waxyeelo joogto ah.

Waxaa uu sheegay in ay si KMG ah ay u hakiyeen howgaladii ay ka wadeen Soomaaliya ,islamarkaana ay ku badaleen tababarida ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu Xusay in sababta loo tababaraayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay tahay in ay awood  yeeshaan ayna la wareegaan Ammaanka Soomaaliya marka ay Ciiddanka AMISOM ay baneeyaan Soomaaliya sanadka 2018-da.