Doorashada Aqalka Hoose oo ka bilaabatay Jowhar

Waxaa Magaalada Jowhar dib uga bilowday  doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jirtay ka dib markii ay joojiyeen guddiga doorashooyinka.

Ammaanka ayaa  aad loo adkeeyay  ,waxaana  ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo  AMISOM  la geeyay  xarunta  doorashada iyo goobaha kale ee ku dhow.

Doorashada  ayaa waxaa  horay u hakiyay  rabshado gacan kahadal ah ,iyadoo  maanta  magaalada Jowhar dib uga bilaabatay.