Guddiga doorashooyinka dadban ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee ka socotay Muqdisho.
War lagu Daabacay Twitter-ka Guddiga ayaa lagu sheegay ” Waxaan Joojinay doorashada Wakiilada Beelaha Somaliland ee ka socotay Muqdisho”
Sababta ayaa la sheegaya in ay tahay khilaaf ka jira qaar ka mid ah Ergooyinka loogu tala galay in ay soo doortaan xubnaha ka imaanaya gobolada Waqooyi.



