DHAGEYSO: Jubbaland oo eedeeyn kulul u jeedisay Al-Shabaab

Maamulka Jubbaland ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Xarakada Al-Shabaab , waxaana ay sheegeen in ay laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa duleedka Magaalada  Kismaayo.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada amniga Maamulka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Al-Shabaab ay laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha ay gacanta ku hayaan ,islamarkaana ciidanka Amaanka maamulka Jubbaland ay qaadayaan tilaabooyin lagu la dagaalamayo Al-Shabaab.

Waxaa uu Xusay in Al-Shabaab ay guul dareyteen Waa sida uu sheegay Wasiirka.

Wasiiru dowladaha ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay dad badan ka dhaceen xoolihii ay haysteen .

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in ciidanka Jubbaland ay gurmad u fidiyeen dadka Shacabka ah ee dagaalka kula jiray Al-Shabaab.

Dagaallo ayaa shalay ka dhacay degaanno dhinaca Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, waxaana dagaalladaasi ay u dhaxeyeen  Al-Shabaab iyo qabaa’ilaad degan gobolka Jubbada Hoose.