Dood adag oo dhexmartay musharrixiinta Trump iyo Clinton

Dood u dhexeysa musharrixiinta sida adag isaga soo horjeeda ee dalka Mareykanka, Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa si toos ah TV-yada caalamka looga daawaday ay dhexmartay caawa.

Trump ayaa la weydiiyay muuqaal laga duubay oo ku saabsanaa asigoo u gefaya dumarka.

Waxa uu sheegay inuusan arrintaasi ku faraxsaneyn, uuna aad uga xun yahay.

Laakiin wuxuu isku difaacay in hadalkaasi uu ahaa wada sheekeysi gaar ah.

Waxa uu ku adkeystay inuu dumarka xushmeynaya. Seyga Hillary Clinton ayuu ku eedeeyay inuu asiga oo ah Trump uu kla xun yahay.

Hillary Clinton waxa ay sheegtay in muuqaalkaasi uu muujinayo in Donald Trump uusan u qalmin inuu madaxweyne noqdo.

Waxay ka hadleen arrimo ay ka mid yihiin, Muslimiinta Mareykanka, Dadka Madow, xaaladaha dalalka colaadaha ay ka jiraan sida Suuriya, iyo arrimaha caafimaadka ee Mareykanka.