Waxgaradka maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka u dareeray kala qaadida ciidamada isku horfadhiya duleedka magaalada Gaalkacyo.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya labada Dhinac ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in waxgaradka labada dhinac ay saaka ku jarmaadeen kala qaadida ciidanka isku horfadhiya duleedka magaalada Gaalkacyo.
Mid ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa idaacadda Risaala u xaqiijiyay in ay kala qaadayaan saaka ciidanka .
Waxaa uu sheegay in saacadaha soo socda la kala qaadi doono ciidanka ka dibna waxgaradka iyo culimada labada dhinac ay kulan ku yeelan doonaan bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka degan , halkaasi oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka jirtay xaalad adag oo dhanka amniga ah.
Shalay Magaalada waxaa kusoo dhacaayay Rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanaayeen ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.


