Chelsea ayaa sarre u qaadeysa inay la soo wareegto daafaca kooxda Leonardo Bonucci waxaana qorshahaas ka qeyb ahaan doona xiddigeeda garabka ka ciyaara ee Eden Hazard.
Antonio Conte ayaa saxiixa daafaca Talyaaniga ka dhigan doonaa mudnaanta koowaad marka suuqa kala iibsiga bisha January uu furmo.
Juventus ayaa diyaar waxay u tahay inay iska dirto Bonucci haddii Blues lacagta rikoorka suuqa kala daafaca lagu iibsado tan ugu badan ay dhiibayaan, iyadoo sidookale lagu darayo Cesc Fabregas.
Si kastaba ha ahaatee, Conte ayaa rajeynaya inuu u adeegsado saxiixa daafacaan xiddigiisa Hazard oo dhanka Juventus ku biiraya.
25 jirkaan, Belgian ayaa ka qiimo badan Fabregas marka laga qiimeeyo suuqa, laakiin Conte ayaa wata qorshahaan layaaabka leh.
Macalinka Bules ayaa diyaar u ah inuu isugu daro Juventus lacag iyo Hazard si uu kaga helo daafaca Leonardo Bonucci.