Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool Mareykanka

Mareykanka-RisaalaFM- Donald Trump Musharaxa madaxtinimda xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa mar kale ka hadley arrimaha Islaamka iyo dadka soo galootiga ah.

Donald Trump ayaa Soomaalida iyo dad kale ee soo galootiga ahba ku sheegay kuwo halis ku ah amaanka dalkan Mareykanka.

Ninka ugu cad cad xisbiga Jahmhuuriga ee Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanka ay soo weerareen Muslimiin soo galooti ah, wuxuuna sheegay in uu dagaal dhab ah la geli doono.

Trump ayaa tusaale u soo qaatay Soomaalida gobolka Minnesota wuxuuna ku tilmaamay in ay ka mid yihiin kooxda Daacish.

”Fiiri kuwa Soomaalida Minnesota waxa ay si toos ah ugu biireen ISIS ayuu yiri Trump, oo u muuqda mid ka faa’ideysanaya carada shacabka Maraykanka, nacayb badana ku abuuraya Soomaalida Mareykanka ku nool.

Ugu dambeyntii Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in uu adkayn doono laamaha socdaalka, isagoo ku cel celiyay in uu mamnuuci doono in wax Muslimiin ah ay dalka Mareykanka galaan.