Diyaaradda Drones ah oo qarxisay saldhig ay leeyihiin militariga Yemen

FILE - In this June 19, 2018 file photo, photographers take pictures of what U.A.E. officials described as an Iranian Qasef drone captured on the battlefield in Yemen during a news conference in Abu Dhabi, United Arab Emirates. A deadly bomb-laden drone flown by Yemen's Houthi rebels flew into a military parade on Thursday, Jan. 10, 2019, outside of the southern port city of Aden, targeting high-ranking military officials in Yemen's internationally recognized government. The brazen attack threatens U.N.-brokered peace efforts to end the yearslong war tearing at the Arab world's poorest nation. (AP Photo/Jon Gambrell, File)

Diyaarad aanan duliye wadin ayaa weerar ku qaaday saldhig militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada Yemen, waxaana la rumeysan yahay in diyaaradda ay soo direen maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta.

Waxaa lagu soo warramaya in lix askari ay ku dhinteen duqeynta Drones-ka.

Diyaaradda ayaa ku qaraxday saldhigga Al Anad oo ku yaalla gobolka koonfurta dhaca ee Lahj, halkaas oo ay taliyeyaasha ciidamada ay daawanayeen gaado ka ciyaar ay soo bandhigayeen ciidamada.

Saraakiisha caafimaadka waxay kusoo warramayaan in ku-xigeenka militariga Jeneraal Saalix Al Zindaan iyo barasaabka gobolka Lahj, Axmed Al Turki ay kamid yihiin dadka ku dhaawacmay weerarka.

Telefishinka maleeshiyaadka Xuuthiyiinta wuxuu ku warramay inay bartilmaameedsanayeen saraakiil ka tirsan isbaheysiga dagaalka kula jiro iyaga oo uu Sucuudiga hoggaamiyo.