Diyaarad Xamuul ah oo ku dhacday Deegaanka Jasiira ee Muqdisho

Wararka laga helayo deegaanka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday deegaankaasi, iyadoo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay shilkaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Diyaaradda dhacday ayaa la sheegay inay ka timid magaalada Dhoobley, islamarkaana ku soo wajahneen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in diyaarada ay ku burburtay meel u dhow deegaanka Jasiira.

Ma jiro weli wax  war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan sababta keentay dhicitaanka diyaarada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradda ay ka diiwaan-gashanayd dalka Kenya, islamarkaana ay saarnaayeen ilaa afar ruux.

Ilaa hadda lama oga xaaladdooda iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilka.