Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxa maanta laga hor istaagay inay ka dagto diyaarad sidday wafdi uu hogaaminayay gudoomiyihii dhawaan madaxweynaha Jubaland u soo magacaabay gobolka, kaas oo ay ka hor yimaadeen qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanka.
Diyaaradda oo gashay hawada magaalada Garbahaarey ayaa dhawr jeer isku dayday inay cagadhigato balse sababo amni darteed ayay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka duushay.
Dhinacyada isku haya maamulka gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay sababta keentay in duulimaadyadii garoonka Garbahaarey la joojiyo.
Gudoomiye kuxigeenka cusub ee amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo ee dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Jubaland Cismaan Nuur Xaaji oo loo yaqaano Macalmimuu, oo aan taleefanka kula hadalnay isagoo jooga Garbahaarey ayaa sheegay in sababo farsamo dartood ay diyaaradu dib ugu laabatay Muqdisho isagoo yiri, “saaka waxa aan sugeynay gudoomiyaha oo shacabku ay usoo bexeen gudoomiyaha, cillad ayaa ku timid oo farsamo xumo diyaraaddii cid hagta marka ay weydayna wey laabatay”
Gudoomiye kuxigeenka oo ka jawaabaya in diyaaradda la xabadeeyay sidaasina ay u laabatay ayaa yiri “anaga ayaa garoonka joognay garoonkana waxaa ku sugan ciidamo, wey jireen kuwo aan badneyn oo qalalaase waday laakiin gooni ayaa loo qabtay kuwaas, laakiin cillad ayay ahayd in diyaaradda aan la hagin sabab kalana ma jirin, qof iyo labo wax ay xabadeyn karaan ma jiraan gudoomiyuhuna wuu imaanayaa”
Dhinaca kale Gudoomiye Kuxigeenka amniga ee degmada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud oo kamid ah siyaasiyiinta diidan xubnaha Kismaayo laga soo magacaabay ayaa isna isagoo ku sugan Garbahaarey waxa uu sheegay inay iyagu hor istaageen diyaaradu inay soo caga dhigato magaalada, waxa uuna intaa ku daray inaanay oggolaan doonin in diyaaradaasi dib ugu soo laabato Garbahaarey isagoo yiri “ diyaaradaasi warbixinteeda horay ayan u heynay amarka diyaaradda lagu celiyayna annaga ayaa bixinay, ma jirto wax farsamo xumo ah oo dhacday diyaarad safar soo gashay ayey eheed waxaasina waa iska sheeko xumo.”



