Diyaarad Gargaar sida oo ka soo degtay Garoonka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho duhurnimadii maanta waxaa ka soo degatay Diyaarad Millitari oo ay leedahay Dowladda Itoobiya, taasi oo sida Deeq Dawo ah.

Wafdiga Diyaarada la socday ee Itoobiya ka yimid waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro ay ka mid tahay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur, Xildhibaano, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fwosiyo Abiikar Nuur oo halkaasi warbaahinta hadal kooban ku siisay ayaa uga mahadcelisay Dowladda Itoobiya, garab istaaga iyo hiilada ay la barbar taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Deeqdan midan keliya in aysan aheyn, sidoo kalena maanta gelinka dambe la filayo in Muqdisho ay timaado Diyaarad kale oo Itoobiya ka socota.

Dowladaha Mareykanka, Turkiga, Kenya, Qadar iyo Jabuuti ayaa Todobaadkan sidoo kale Muqdisho waxay u soo gaarsiiyeen gargaar caafimaad oo ay ku taageerayaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe.