Xukuumadda Dubai ayaa warbaahinta u sheegtay in diyaarad laga leeyahay Imaaraadka Carabta uu dab xoogan ku qabsaday garoonka magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta .
War kooban oo ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi ayaa lagu sheegay in Diyaarada oo nooceedu ahaa Boing 777, sideyna Raakaab dhan 275 qof, uu dab xoogan qabsaday , islamarkaana lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo dhammaan dadkii saarnaa.
Sarkaal ka tirsan waaxda gar gaarka deg dega ah ayaa u sheegay BBC-da in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadkii saarnaa diyaaradaasi.
Diyaarada ayaa la sheegay in uu dab qabsaday ka dib markii ay soo degtay, waxaana dowladda Imaaraadka Carabta ay ku guuleysatay in ay badbaadiso dadkii saarnaa diyaaradaasi.
Hoos ka Akhriso dalalka ay kasoo jeedaan dadka diyaarada Saarnaa.



